Abaaraha Somaliya maxaa uga qorsheysan maamulada jira?

January 30, 2011 at 10:33 Leave a comment

Dalka Soomaaliya waxaa xiligan ka jirta abaar baahsan oo taabatay deegaano badan oo ay Soomaalidu ku dhaqan tahay iyo guud ahaan gobalada dalka iyo waliba kuwa Soomaalidu degto ee ay maamulaan Itoobiya iyo Kenya.

Abaarahan ayaa noqday kuwo soo noq noqday isla markaana sanadba sanadka kasii danbeeya ay noqoto mid ka adag tii hore. Waxaana muuqata in biyo yaraanta ka jirta gobalada Soomaaliya intooda badan ay sii baahi doonto, maadaama adduunka oo dhan uu sii kulalaanayo.

Dhibaatooyinka abaarta waxay si weyn u taabataa laf dhabarta dhaqaalaha Soomaalida oo ah xoolaha ayadoo lagu qiyaaso 90% in ka badan dhaqaalaha soo gala dalka in ay ka timaado xoolaha dibada loo dhoofiyo.

Xiliyada abaaraha xoolaha intooda badan waxay u le’adaan biyo la’aan waxaana sidoo kale abaaraha ay burburiyaan kumanaan qoys oo reer guuraa ah, kuwaasi oo markii ay xoolahooda waayaan usoo guura magaalooyinka waaweyn halkaasi oo xeryo qaxooti intooda badan degaan.

Muxuu yahay Qorshaha Mustaqbalka?

Maadaama abaarahan ay noqdeen kuwo soo noq noqda isla markaana dalkeenu uu yahay mid biyo yaraanta ka jirta aan weli xal dhameystiran loo hayn waxaa lama huraan ah in maamulada dalka ka jira ay sameeyaan waxqabad iyo qorshayaal ku wajahan wax u qabadka xoolaha, daaqsinka iyo waliba reer Guuraaga.

Dalka Soomaaliya markaan hada eegno waxaa ka jira labo maamul oo iyagu ah kuwo shaqeeya kuwaasi oo kala ah Puntland iyo Soomaaliland, gobalada ay maamuladan ka taliyaan ayaa ah kuwo ay abaaruhu si weyn u taabteen, waxaase la is weydiinayaa maxaa maamuladan u qorsheysan oo ay wax uga qabanayaan saameynta abaarahan.

Sanadkan xoolihii Soomaalida ee loo dhoofiyey dalka Sucuudiga kumanaan kamid ah dib baa loo soo ceshay kadib baaritaano lagu sameeyey oo lagu sheegay in nafaqo daro darteed kumanaan ari ah dib loogu soo celiyey maraakiibtii ka qaaday gaar ahaan dekkada Berbera, ayadoo hada ay dhoofayaan xoolo badan oo kale oo ka baxaya dekkadaha Bosaso iyo Berbera.

Waxaanse weli laga fekerin sida muuqata xoolihii dalka ku haray, ma noqon doonaan kuwo mustaqbalka buuxiya baahida iyo dakhligii horey looga bartay in laga helo xoolaha Soomaalida ee dibada loo dhoofiyo?

Waxaa marnaba aan la hurayn in maamulada Puntland iyo Somaliland ay sameeyaan qorshe dowladeed rasmi ah oo ku aadan wax ka qabashada arrintan isla markaana waxqabadkooda aysan kusoo koobin Roob doon iyo Alle bari, taasi oo runtii ah mid muhiim ah oo Alle Bariga uu yahay midka ugu muhiimsan, hayeeshee maamulka waa inuu sidoo kale wax qabad ku daraa.

Hadii aysan jirin qorsheyn rasmi ah oo ku aadan xoolaha iyo daaqsinka waxay tani burbur xoogleh ku keeni doontaa dhaqaalaha dalka soo gala, taasi oo sidoo kale hoos u dhac ku keeni doonta dakhliga ay ku xisaabtamaan dowladaha hada shaqeeya.

Sameynta Dhul daaqsin oo xiran (Reserve Area)

Waxaa laga fursaneyn in la sameeyo dhul balaaran oo daaqsin ah kaasi oo la xiro kahor xili roobaadka, isla markaana aan loo ogolaan xoolo dhaqatada in ay xoolahooda daaqsiiyaan xiliyada dhulka uu dooga yahay, balse dhulkan cayiman la isticmaalo oo xoolaha loo fasaxo xiliyada abaaraha dhacaan.

Dhulkan la xirayo waxaa laga sameyn karaa gobal walba iyadoo loogu kala badinayo gobalada sida ay u kala xoolo badan yihiin, waxaana dowlada laga rabaa in dhulkaasi daaqsinka ah ee la illaalinayo ay ka shaqeeyaan in aan lagu xad gudbin xiliyada dhulka ay barwaaqadu ka jirto oo dhulku doog leeyahay.

Dhulkan waa inuu noqdaa mid ka fog goobaha xoolaha biyaha ka cabbaan ama ceelasha biyaha, si halkaasi uusan khilaaf uga dhalan, isla markaana xoolaha aysan wado ay maraan ka dhigan dhulkaasi daaqsinka ah.

Arrintan waxay ay xal u tahay dadka reer guuraaga ah ee xoolahooda dhibaatada lasoo daristo xiliga roobku yaraado, isla markaana waxay hoos u dhigi kartaa tirada xoolaha dhinta iyo burburka ku yimaada qoysaska reer guuraaga ah.

Waro biyeed

Dowlada ayaa sidoo kale looga baahan yahay inay awoodeeda dowladeed u adeegsato sameynta waro biyeed ay dowladu maamusho, kuwaasi oo la isticmaalo xiliga biyo yaraanta ay jirto.

Waxaa hubaal ah in xoolo dhaqatada laftooda diyaar la yihiin inay ka qeyb qaataan hawsha ku baxaysa sameynta waraha biyaha ee xiliga abaaruhu ay jiraan isla markaana ay ceelasha biyaha ee xoolaha isticmaalaan ay sii guraan.

Biyo Xireeno

Waxay dowladuhu sidoo kale sameyn karaan biyo xireeno ayagoo kaashanaya maskaxda injineerada Soomaaliyeed iyo cududa shacabka, hadii awood loo waayona waxay dhaqaalaha kala kaashan karaan caalamka in la dhiso biyo xireeno laga sameeyo togaga waaweyn ee maraan biyaha roobka.

Inta badan biyaha roobka ayaan laga faa’iideysan ayadoo biyaha roobka dhigo kuwa kasoo dhaca buuraha ay ayagoo dur dur ah ku dhacaan bada cas iyo badweynta hidniya.

Biyahaas ayaa wax badan u faa’iideen kara ummada iyo dalkaba hadii la xiro isla markaana looga faa’iideysto dhulka beeraha iyo daaqsinka.

Hadii dowladu aysan wax arrimahan ka qaban Karin ugu yaraan waxa looga fadhiyaa in ay qiimeyso waxa ku baxaya oo ay caalamka iyo dalalka saaxiibada ah ulla tagto in gacan laga siiyo wax ka qabashada arrimahan.

Beero la abuuro

Maadaama cimilada adduunka isa sii badaleyso isla markaana hoos u dhac ku yimid wax soo saarka beeraha ay kasoo go’aan bariiska ee dalalka laga keeno raashinka, wuxuu caalamka dal walba xiligan ku mashquulsan yahay siduu sare ugu qaadi lahaa dhul beereedka, ayadoo ay jiraan wadamo xitaa lacag badan geliyey in ay dhul ka gataan qaarada Afrika sida dalka China oo xiligan doonaya inuu beero ka sameysto Afrika, maadaama ay ku filnaan weyday beerihii dalkooda.

Hadaba dhulka Soomaalida degto qeybaha xataa biyo yaraanta ka jirto, waa dhul ku haboon in wax lagu beero, hadii loo helo biyo ku filana laga abuuri karo beero badan, hayeeshee weli waxaan muuqan olole rasmi ah oo ay dowladaha Puntland iyo Somaliland arrimahan wax ugu qorsheeyeen ama ay ummada usoo bandhigeen.

Shir Looga Hadlaayo Abaaraha Soomaaliya

Si loo yareeyo khatarta abaaruhu keenaan taas oo saameyn weyn kuleh nolosha aadanaha iyo xoolahaba waxaa muhim ah in laga yeesho wadatashi dheer kaas oo ku aadan sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka roob la’aanta ka dhasha, markasta oo abaari dhacdo waxaa la sameeyaa guddi abaareed iyo guddiyada biyo dhaamiska, laakiin markaan waxaa muhim ah in Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Deegaanka iyo Duurjoogta, Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka iyo Wasaaradda Xanaanada Xooluhu ay ka shaqeeyaan sidii ay u qaban lahaayeen shir balaaran kaas oo lagala tashado isla markaana laga soo qaybgeliyo dhamaan hay’adaha arimaha deegaanka iyo isbedelka cimilada ku lugta leh sida United Nations Environment Programme (UNEP), waxaa hubaal ah in shirkaasi saldhig u noqon karo qorshe wanaagsan oo lagu yerayn karo dhibaatooyinka abaaraha.

Maamuladan weli wakhti waa heystaan balse kartidooda ayaa loo baahan yahay inay muujiyaan shacabka iyo ganacsatadana weydiistaan gacan, hadii la isku filnaan waayona la sameeyo qorsheyaal cilmiyeysan oo Beesha Caalamka wax looga weydiisto. Wixii la helona aysan noqon kuwo la lunsado balse si dhab ah dalka wax loogu qabto. احب الله ربـــــــــــــــــــــــــــــــــي

Go top Page

Source: horseed media


to share Subscribe Now


 LATEST NEWS


fadlan Ka dhiibo fikirkaaga!
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga (Leave a Comment). thanks!

Entry filed under: Maqaalo.

Puntland oo xiriirkii u jartay DFKMG ah Faallo ku saabsan Xiisadaha Masar [sawiro]

Leave a comment

Trackback this post  |  Subscribe to the comments via RSS Feed


Pages

******************








please sing my Guest Book

Kaydka wararka & Qoraalada Selcect Month

Picture of the Day!

Somalia

Long live Somalia

News Articles

Sawiro

*************

I Love Somalia



Sawiro Magaalada Qardho 2007 KA hor



Sawiro Qaaliya Daawo Quruxda Magaalada Qardho in 2009

Videos & Channels

Music

FEATURED STORIES.

free counters





Taariikhda Somalia BBC


  ما أقل ما نفكر فيما نملك، وما أكثر ما نفكر فيما لا نملك

استغفر الله العظيم الذي لا إله إلا هو الحي القيوم وأتوب إليه

هناك حكمة تقول "أذهب خلف حلمك مع رغبة جادة وعزم وتصميم فإما أن تنجح و إما أن تتعلم وتكبر"

عندما تطلب تحقيق ما هو مستحيل تحصل على أفضل ما هو ممكن.

لا تحاول أن تجعل ملابسك أغلى شيء فيك حتى لا تجد نفسك يوماً أرخص مما ترتديه

الحياة هي مغامرة ذات مخاطر أو هي..............لا شيء على الإطلاق

بعضنا ينجح بذكائه..وبعضنا ينجح بغباء الآخرين

من الأمور الطريفة في الحياة أنك إذا لم ترض سوى بالأفضل فسوف تحصل عليه

اللهم اجعلني خيرا مما يظنون .. واغفر لي مالا يعلمون .. ولا تؤاخذني بما يقولون

لا تنسى دكر اللـــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــه

hit counter...

  • 740,919 this is the number of all visits

Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

Join 20 other subscribers