Xalka siyaasadda Soomaaliya, ma dhawa oo ma dheera!

August 17, 2011 at 10:34 Leave a comment

Ka dib xil ka qaadistii Maxamed Cabdullaahi Formaajo iyo dhaqan-galinta heshiiska Kambala waxaa dhab ah in marxalad adag iyo tijaabo cusub ay u bilaabatay hogaamiyaasha talada dalka; waxaa si gaar ah loo sugaa qaabka iyo wax-qabadka ay la timaado xukuumadda cusub ee Cabdiweli Maxamed Cali iyadoo xaaladda dalka ka jirta, gaar ahaan, dhinaca amaanka iyo nolosha guud ay Allow sahal tahayQore: Xassan Xayle

Marka loo fiirisado xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo sida lama filaanka ah ay dhaqso isu badasho, iyo muranka aan dawada laheyn ee mar kasta ka dhex kaca madaxda dalka, waxaa aad u adag in si macquul ah saadaal looga bixiyo wajiga ay ummuuruhu yeelan karaan, ama halka ay wax sal dhigdoonaan

Cidna ma aysan maleyneyn xil ka qaadistii Ra’iisul Wassarihii hore Maxmed Cabdullahi Formaajo ee runtii noqtay tan ugu yaabka iyo fajac badan waxii kasoo baxay Heshiiskii Kambala bishii Juun ee lasoo dhaafay; kaasoo sida muuqata Dowladda Ku Meel Gaarka ah u noqonaya qaab iyo marxalad bilow kale ah oo, dastuur ahaan, ka dhigan meel cusub oo la xigsado, (Un nuovo punto di riferimento), qaabkaas oo ka duwan Heshiikii Nabadeynta Soomaaliya ee lagu gaaray D’Jabuuti dhamaadk sanadkii 2009-ka, laguna soo dhisay dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed

Waxaa xusid mudan, in Heshiiska Nabadeynta Soomaaliya ee D’Jabuuti, uu ahaa mid labo-geesood ah oo ay isla saxiixeen Xumaddii Ku Meel Gaarka ahedy ee Nuur Xassan Xusseyn, Nuur Cadde, iyo uurukii Isbaheysigii Dib-u-xureynta Soomaaliya ee uu hogaaminayay Shariif Sheekh Axmed, iyadoo Shariif Xassan Sheekh Adan ahaa gudoomiyaha Golaha Dhexe ee ururkaas

Waxaa dhab ah, in aysan meesha ka maqneyn dano shisheeye iyo fulin ISTRATIIJIYAD dowlado kale oo ku aadan dhibaatada siyaasadeed ee dalka ka jirta, waxaa muranka joogtada noqday ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Gudoomiyahay Baarlamaanka lagu fasiri karaa, oo kale, loolan iyo rabitaan ku jiheysan hogaanka sare ee dalka

Haddii arrinta dhinacaas laga fiiriyo, waxaa noo muuqaneysa in khilaafka u dhexeeyay madaxda dowladda uu yahay mid marxaladeed oo aan meel dhexe ku dhamaaneyn; waxaan tusaale u ah: ilaa iyo maalintii 9-ka Juun ee Mudane Maxamed Cabdullaahi Formaajo uu si rasmi ah xilka uga dagay in muranku gaaray heer aad u xun, ayna ku adkaatay labada mas’uul inay si macquul ah isgu afgartaan dhismaha xukuumad cusub oo si degdeg ah ula wareegta socodsiinta hawlihii joogsaday ee dowladdii la casilay ay qaabka wanaagsan ku waday

Murankaas waxuu ugu danbeytii keenay in Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Mudane John Jerry Rowlings uu Xamar yimaado, isagoo gacan ka siinayay madaxda dowladda, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Afhayeenka Baarlamaanka, xalinta khilafaadkood, kuna tirtirsiinaya inay u jeestaan wax ka qabadka dhibaatooyinka badan ee dalka ka taagan!

Dhinac kale, waxaa loo heestay in xubnaha wasiirada xukuumada cusub ay u badnaan doonaan, haddii aysan dhamaantood kusoo bixin, golaha xukuumadii la casilay ee Maxamed Cabdullaahi Formaajo; taas maysan dhicin, iyadoo weliba la ogsoonyahay in Mudane Formaajo uu niyad-qaboojin ugu sheegay dadweynihii taageerada u muujiyay ka dib Heshiiskii Kambaala. Waxuu u sheegay in Golaha Wassiiradu ay sidooda ahaanayaan, isaguna dhaawac gaaray awgii uu la mid noqday ‘KABTANKA’ kooxda Kubadda Cagta oo marka uu dhaawacmo, si ay ciyaartu u sii socoto, loo baahdo inla badalo!

Si kastab, iyadoo ay jirto arrin gaar ah oo ku saabassan qaabkii loo magacaabay iyo muran dheer oo taas la socday, ugu danbeyntii waxuu ra’iisul wassaraha cusub Mudane Cabdiweli Maxamed Gaas, soo dhisay xukuumad aan noqon tii la filaayay ama mid u dhaw. Dhaliilaha loo jeediyay waxaa ugu cad: in ragga loo magacaabay xilka Golaha Wassiirada ay u badanyihiin qaar ku cusub siyaasadda iyo arrimaha dowladeed, taasoo dib u dhigeyda inay si dhaqso ah wax uga qabtaan hawlaha hor yaal, iyo inay horumar fiican sameeyaan muddada halka sano ah ee lagu dheereeyay jirtaanka dawoladda DKMG ah

Taas maalmaha soo socda ayaa muujin doonaan, hayeeshee, su’aashu waxay tahay in haddii madaxda dowladdu, ay muddada halka sano ah, badali doonaan dhaqankii ahaa SHAQO KA CEYRINTA –waxaa la ogsoonyahay in muddo labo sano guduhood ah, ilaa shan taliye loo sameeyay Xooga Dalka, ra’sul wassaarihii seddexaadna yahay kan dowladda cusub dhawaanta soo dhisay. Waxaa kale oo xusid mudan, iyadoo rag wassiiro ah oo weliba hawl qabadkoodu amaan mudnaa xilka laga qaaday; arrimahaas oo soo noqnoqdkoodu tusinayo in maamulku qorshe iyo xulasho fiican sameyn karin.

Waxaa kale oo meesha ku jirta, una baahan inla hufo, qaabka aw u shaqeynayo dheeli-tirka awooda madaxda dowladda, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Gudoomiyaya Baarlamaanka; iyadoo kan danbe la moodo in awoodiisu, ka dib Heshiiska Kambaala, ay noqotay mid u fagaaro-baxday, (Challenging), tartana kula jirta awoodda Madaxweynaha Jamhuuriyadda!

Hshiiskaas kambaala ka dib, waxaa macno beelay kordhinta halka sano ee Hey’adaha Dowladda loogu waqti dheereyay madaama xukuumaddii la doonayay inay hawlaheed dhameystirto ay, guud ahaan, meesha ka baxday; tan kaliya ee hadda la sugaaayona tahay sida ay u shaqeydo xukuumadda cusub iyo waxa ay ka qabato, guud haaan, umuuraha horyaala oo ay ugu muhiimsantahay dhinaca ammaanka caasimadda iyo hormarinta maamulka dowladda

Marka xaalku sidaas yahay, ayaa waxaan wanaag badan ka muuqan arrimaha guud ee dalka; haddii aan si kale u sheego, dagaalada aan joogsiga aqoon iyo colaadaha dalka ka jira waxaa ku darsoomeyn abaar iyo macluul baahsan oo sababay geeri iyo qaxa ka socda meelo badan, gaar ahaan, gobolada koofureed, sidaasoo wax ka qabadka dhibaatada uu dhinaca dowladda yahay mid kooban, gacantana aan lagu heyn ama aysan jirin, dagaal mooyaane, wax dadaal siyaasadeed ah, dhinacow doonaba ha ka yimaadeed, oo ku jiheysan xalinta dhibtooyinka kala duwan ee dalka ka taagan

Haddii umuuruhu sidaas ay sii ahaadaan, waxaa laga yaabaa in mar kaliya duruufaha siyaasadeed iyo bulsho ay si lama filaan ah mawjad u noqdaan, ka dibna ay horseedaan isbadal degdeg ah iyo kacdoon shacbi oo xaalladda jirta, sal iyo baar, dhinac kale u roga!

Runtii, lama qiyaasi karo sida bulsho-weynta Soomaaliyeed, dalka gudihiisa iyo dibaddaba, ay si mideysan uga jir-naxday dadka walaalahood ah ee abaarta ku dhufatay, iyagoon u fiirineyn gobol ama beel, ayay bulshadu ku dhaqaaqday gargaar u fidin iyo sidii ay wax ugu qaban karto

Waxaan taas ka fogeyn, in sidaas oo kale bulshadu, haddii ay hesho horseed, ay iyadoo mideysan sameyn karto isbadal lama filaan ah, oo xal degdeg ah u keena dhamaan dhibaatooyinka culus ee dalka ka jira

Sidaas ayuu xalka dhibaatada siyaasadeed ee Soomaaliya marna iigu muuqdaa mid aad u fog, mar kalena aad u dhaw!

Alahayow, adigaa naxariistaadu dhawdahay!

Xassan Xayle: hassanhaile@hotmail.com

Entry filed under: Maqaalo.

Aas-aaskii Ururka Al-Shabab (Q-4aad) Aas-aaskii Ururka Al-Shabab (Q-5aad iyo Q-6aad) -Daawo Sawirrada Al-Shabaab –

Leave a comment

Trackback this post  |  Subscribe to the comments via RSS Feed


Pages

******************








please sing my Guest Book

Kaydka wararka & Qoraalada Selcect Month

Picture of the Day!

Somalia

Long live Somalia

News Articles

Sawiro

*************

I Love Somalia



Sawiro Magaalada Qardho 2007 KA hor



Sawiro Qaaliya Daawo Quruxda Magaalada Qardho in 2009

Videos & Channels

Music

FEATURED STORIES.

free counters





Taariikhda Somalia BBC


  ما أقل ما نفكر فيما نملك، وما أكثر ما نفكر فيما لا نملك

استغفر الله العظيم الذي لا إله إلا هو الحي القيوم وأتوب إليه

هناك حكمة تقول "أذهب خلف حلمك مع رغبة جادة وعزم وتصميم فإما أن تنجح و إما أن تتعلم وتكبر"

عندما تطلب تحقيق ما هو مستحيل تحصل على أفضل ما هو ممكن.

لا تحاول أن تجعل ملابسك أغلى شيء فيك حتى لا تجد نفسك يوماً أرخص مما ترتديه

الحياة هي مغامرة ذات مخاطر أو هي..............لا شيء على الإطلاق

بعضنا ينجح بذكائه..وبعضنا ينجح بغباء الآخرين

من الأمور الطريفة في الحياة أنك إذا لم ترض سوى بالأفضل فسوف تحصل عليه

اللهم اجعلني خيرا مما يظنون .. واغفر لي مالا يعلمون .. ولا تؤاخذني بما يقولون

لا تنسى دكر اللـــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــه

hit counter...

  • 740,717 this is the number of all visits

Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

Join 20 other subscribers