Baarlamaanka Oo Ansixiyey Xukuumada Raysalwasaare Farmaajo iyo Golaha Xukuumadda oo Isla Caawa la Dhaariyay

November 27, 2010 at 20:12 Leave a comment

Xafladda lagu dhaarinayay wasiirada waxay ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, iyadoo ay goobta wada joogeen saddexda mas’uul ee ugu sarreysa dowladda KMG ah.

Dhaarinta ka dib, waxaa halkaasi hadal ka jeediyay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sheegay in hawl culus ay u taallo wasiirada loona baahan yahay inay ka soo dhalaalaan.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo halkaasi ku ballanqaaday in baarlamaanku uu la shaqeyn doono xukuumadda, isagoona ugu baaqay beesha caalamka inay gacan siiso dowladda KMG ah ee Soomaaliya, waxyaabihii laysku khilaafayna ay qeyb ka yihiin nidaamka dimoqraadiyadda.

Ugu dambeyntii waxaa halkaasi hadal ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo mahadcelin u jeediyay baarlamaanka, wuxuuna inay midnimo iyo wadashaqeyn ugu baaqay hay’adaha dowladda.

Si kastaba ha ahaatee xukuumadda cusub ayaa gudo geli doonta hawlaheeda ka dib markii ay ansixin ka heshay baarlamaanka, Iyadoo hawsha ugu ballaaran ee hortaalla ay tahay sidii ay uga adkaan lahaayeen kooxaha ka soo horjeeda ee laf dhuungashay ku noqday dowladda.

Baarlamaanka Oo Ansixiyey Xukuumada Raysalwasaare Farmaajo

Baarlamaanka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ku ansixiyeen Xukuumada Raysalwasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Fadhiga Saaka ee Baarlamaanka waxaa shir gudoominaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Sheikh Aadan,waxaana kasoo qaybgalay inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Xildhibaanada saaka soo xaadiray Fadhiga waxaa ay ahaayeen 343-mudane,waxaana yaallay mooshin ah in Codka kalsoonida lagu qaado hab qarsoodi ah iyo hab gacan taag ah maadama Xildhibaanada isku khilaafeen habka codka kalsoonida loo qaadayo.

250-kamid ah Xildhibaanada ayaa waxaa isku raaceen in codeynta ay noqoto hab gacan taag ah halka 90-xildhibaan ay rabeen in codka lagu qaado hab qarsoodi ah,waxaana sidaas lagu go’aamiyey in xukuumada codka kalsoonida lagu qaado hab gacan taag ah.

Xildhibaano gaaraya 251-mudane ayaa codka kalsoonida siiyey Xukuumada cusub halka 92-xildhibaan ay diideen oo ay kasoo horjeesteen xukuumada.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan ayaa ugu danbeyntii ku dhawaaqay in Xukuumada Raysalwasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la ansixiyey isla markaana soo xirey fadhigii maanta ee Baarlamaanka.

Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur oo kamid ah mudaneyaasha Baarlamaanka oo wareysi siiyey Horseed Media ayaa sheegay in wax buuq iyo dagaal aan ka dhicin fadhigii maanta iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay kulankii Baarlamaanka ku dhamaaday buuq iyo dagaal.

Xildhibaan Cabdiladiif ayaa sheegay sababta ka dambeysay in la ansixiyo Xukuumada ay tahay in loo maray hanaan sharci ah.

Qaar kamid ah Wasiirada cusub ee la magacaabay oo maanta la ansixiyey ayaa iyaguna goobjoog ka ahaa kulankii maanta,waxaana kasoo qaybgalin madaxda sare ee Dawladda Federaalka sida Madaxweyne Sheikh Shariif iyo Raysalwasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo halkaasi ku ballanqaaday in baarlamaanku uu la shaqeyn doono xukuumadda, isagoona ugu baaqay beesha caalamka inay gacan siiso dowladda KMG ah ee Soomaaliya, waxyaabihii laysku khilaafayna ay qeyb ka yihiin nidaamka dimoqraadiyadda.

Ugu dambeyntii waxaa halkaasi hadal ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo mahadcelin u jeediyay baarlamaanka, wuxuuna inay midnimo iyo wadashaqeyn ugu baaqay hay’adaha dowladda.

Si kastaba ha ahaatee xukuumadda cusub ayaa gudo geli doonta hawlaheeda ka dib markii ay ansixin ka heshay baarlamaanka, Iyadoo hawsha ugu ballaaran ee hortaalla ay tahay sidii ay uga adkaan lahaayeen kooxaha ka soo horjeeda ee laf dhuungashay ku noqday dowladda.

Go top Page

Source: voasomali+horseed media


to share Subscribe Now


 LATEST NEWS


fadlan Ka dhiibo fikirkaaga!
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga (Leave a Comment). thanks!

Entry filed under: News Archives.

Raysalwasaare Farmaajo Oo Ku Dhawaaqay Golihiisa Wasiirada (dhageyso voasomali) Hal Sano Kadib Qaraxii Hotel Shaamoow (Sawiro)

Leave a comment

Trackback this post  |  Subscribe to the comments via RSS Feed


Pages

******************








please sing my Guest Book

Kaydka wararka & Qoraalada Selcect Month

Picture of the Day!

Somalia

Long live Somalia

News Articles

Sawiro

*************

I Love Somalia



Sawiro Magaalada Qardho 2007 KA hor



Sawiro Qaaliya Daawo Quruxda Magaalada Qardho in 2009

Videos & Channels

Music

FEATURED STORIES.

free counters





Taariikhda Somalia BBC


  ما أقل ما نفكر فيما نملك، وما أكثر ما نفكر فيما لا نملك

استغفر الله العظيم الذي لا إله إلا هو الحي القيوم وأتوب إليه

هناك حكمة تقول "أذهب خلف حلمك مع رغبة جادة وعزم وتصميم فإما أن تنجح و إما أن تتعلم وتكبر"

عندما تطلب تحقيق ما هو مستحيل تحصل على أفضل ما هو ممكن.

لا تحاول أن تجعل ملابسك أغلى شيء فيك حتى لا تجد نفسك يوماً أرخص مما ترتديه

الحياة هي مغامرة ذات مخاطر أو هي..............لا شيء على الإطلاق

بعضنا ينجح بذكائه..وبعضنا ينجح بغباء الآخرين

من الأمور الطريفة في الحياة أنك إذا لم ترض سوى بالأفضل فسوف تحصل عليه

اللهم اجعلني خيرا مما يظنون .. واغفر لي مالا يعلمون .. ولا تؤاخذني بما يقولون

لا تنسى دكر اللـــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــه

hit counter...

  • 740,720 this is the number of all visits

Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

Join 20 other subscribers