Taliyihii Ciidamada DFKMG Siciid Dheere oo xilkii laga qaaday

May 14, 2009 at 18:02 Leave a comment

Horseed Media
Muqdisho, Somaliya

Waxaa maanta shir jaraa’iid uu magaalada Muqdisho ku qabtay Wasiirka Warfaafinta ee Dowlada Federaalka Farxaan Cali Maxamuud ayaa sheegay in dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ay keentay xaalad bini’aadamnimo, wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday go’aan uu ansixiyey golaha Wasiirada oo maanta shiray kuwaasi oo ansixiyey in xilka laga wareejiyo Taliyihii Ciidamada Xooga dalka ee Dowlada Federaalka Sareeye Gaas Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere).

Go’aanka Xukuumada ayaa kasoo baxay shir maanta ka dhacay Muqdisho oo ay yeesheen Golaha wasiirada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Cumar Cabdirashiid, waxaana kulankaasi looga hadlay arrimaha la xariira dagaalada kasii socda magaalada Muqdisho, waxaana intii shirkaasi socday la go’aamiyey in xilka Taliyaha Ciidamada laga wareejiyo Siciid Dheere, ayadoo xilkaasi loo magacaabay Gen.Yusuf Xassan Cismaan  Dhuumaal oo asagu kamid ahaa saraakiisha sar sare ee Ciidamada Booliiska.

siciiddheere_dhumaal1

(Bidix): Gen.Siciid Dhere & (Midig):Gen.Yusuf Dhumaal

Go’aankan ayuu Wasiirka Warfaafinta ayaan wax faah faahin ah ka bixin xil wareejinta asagoo sheegay in Siciid Dheere loo magacaabay La Taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhinaca Militariga iyo Amniga. Xil wareejintan ayaa qeyb ka ah arrimaha ama qorshaha la xariira amniga magaalada Muqdisho oo muddo ka badan todobaad uu ka socdo dagaal xoogan oo ay isaga soo horjeedaan dowlada iyo kooxaha islaamiyiinta ah ee kasoo horjeeda.

Farhan, Wasiirka Warfaafinta ee Dowlada ayaa sheegay in dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ay keentay xaalad bini’aadamnimo oo aad u adag asagoo sheegay in ay  baro kaceen kumanaan shacab ah, asagoo sheegay in dhimashada ay kor u dhaaftay 100 ruux halka dhaawaca sii caga cageenayo in ka badan 400 asagoo sheegay in dagaalkaasi socday maalmaha uu dhibaato keenay, hase yeeshee wasiirka ayaan faah faahin ka bixin waxay dowladu u qabaneyso dadkaasi tabaaleysan. Walow uu wasiirka ka codsaday in Caalamka uu gacan kasiiyo dhinaca gargaarka bini’aadamnimo.

Wasiirka Warfaafinta Farxaan Cali Maxamuud oo maanta ku qabtey Shir Saxaafdeed Xafiiska Raysalwasaare Cumar Sharmarke

Wasiirka Warfaafinta Farxaan Cali Maxamuud oo maanta ku qabtey Shir Saxaafadeed Xafiiska Raysalwasaare Cumar Sharmarke

Entry filed under: Uncategorized.

Dagaal Khasaare Sababay oo ka Qarxay Degmada Maxaas Xoogaga Al shabaab oo barqadii maanta la wareegay Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Leave a comment

Trackback this post  |  Subscribe to the comments via RSS Feed


Pages

******************








please sing my Guest Book

Kaydka wararka & Qoraalada Selcect Month

Picture of the Day!

Somalia

Long live Somalia

News Articles

Sawiro

*************

I Love Somalia



Sawiro Magaalada Qardho 2007 KA hor



Sawiro Qaaliya Daawo Quruxda Magaalada Qardho in 2009

Videos & Channels

Music

FEATURED STORIES.

free counters





Taariikhda Somalia BBC


  ما أقل ما نفكر فيما نملك، وما أكثر ما نفكر فيما لا نملك

استغفر الله العظيم الذي لا إله إلا هو الحي القيوم وأتوب إليه

هناك حكمة تقول "أذهب خلف حلمك مع رغبة جادة وعزم وتصميم فإما أن تنجح و إما أن تتعلم وتكبر"

عندما تطلب تحقيق ما هو مستحيل تحصل على أفضل ما هو ممكن.

لا تحاول أن تجعل ملابسك أغلى شيء فيك حتى لا تجد نفسك يوماً أرخص مما ترتديه

الحياة هي مغامرة ذات مخاطر أو هي..............لا شيء على الإطلاق

بعضنا ينجح بذكائه..وبعضنا ينجح بغباء الآخرين

من الأمور الطريفة في الحياة أنك إذا لم ترض سوى بالأفضل فسوف تحصل عليه

اللهم اجعلني خيرا مما يظنون .. واغفر لي مالا يعلمون .. ولا تؤاخذني بما يقولون

لا تنسى دكر اللـــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــه

hit counter...

  • 740,886 this is the number of all visits

Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

Join 20 other subscribers