heeso qoraala » Dumar kale ma caashaqin

Dumar kale ma caashaqin bye codkii Cumar Shooli

Dumar kale ma caashaqin
Hadal danbe kumaan odhan
DoKhaagu wuxuu rabo
Kol’aan daynba kuu galo
Wali diiday kuma odhan
Dadku wuu dagaalaa
Dabadeed heshiiyaa
Inaad raacdo duul kale
Ma wax loo dulqaataa
Naftaydii ku diidayoo
Kama daadegaysee
Adaa seegay dawgee
Iga durug walaaleey
Haatan dayradaadaa
Ku dadaalayayoo
Ima diirinayside
Ogow dumarku kaa badan
Waan kaa dal doorsaday
Dusha hayga xaganine
La dabaalo la dabaalo caashaqa
Waan kaa dal doorsaday
Dusha hayga xaganine
La dabaalo la dabaalo caashaqa
Dambi kaama aan gelin
Duleed kagamaan tegin
Hablaha da’daadana
Daandaansi daayoo
Dibnahayga uma furin
Adigay daraadaa
Dakharadu I gaadheen
Inaad iiga durugtaa
Ma wax loo dul qaataa
Daruur ii da?aysiyo
Dabayl caafimaad baan
Deeqooy ku moodee
Waxad tahay tu ii daran
Haatan dayradaadaa
Ku dadaalayaayoo
Ima diirinayside
Ogow dumarku kaa badan
Waan kaa daldoorsaday
Dusha hayga xaganine
La dabaalo la dabaalo caashaqa
Waan kaa daldoorsaday
Dusha hayga xaganine
La dabaalo la dabaalo caashaqa
Danbiga waxa dhigay
Wadnahayga doqonkee
Kaa doortay dumarkoo
Aad daryeeli waydoo
Wali daacad kuu qaba
Dabiibbuu ku moodee
Adiguna dad naariyo
Inaad dacalka goysaa
Ma wax loo dul qaataa
Dayaxoo aleeliyo
Waa duulkii suleekhaan
Dadka kaaga soocdee
Waxaad tahay habeen dama
Haatan dayradaadaa
Ku dadaalayaayoo
Ima diirinayside
Ogow dumarku kaa badan
Waan kaa daldoorsaday
dusha hayga xaganine
La dabaalo la dabaalo caashaqa


Leave a comment

Trackback this post  |  Subscribe to the comments via RSS Feed


Pages

******************








please sing my Guest Book

Kaydka wararka & Qoraalada Selcect Month

Picture of the Day!

Somalia

Long live Somalia

News Articles

Sawiro

*************

I Love Somalia



Sawiro Magaalada Qardho 2007 KA hor



Sawiro Qaaliya Daawo Quruxda Magaalada Qardho in 2009

Videos & Channels

Music

FEATURED STORIES.

free counters





Taariikhda Somalia BBC


  ما أقل ما نفكر فيما نملك، وما أكثر ما نفكر فيما لا نملك

استغفر الله العظيم الذي لا إله إلا هو الحي القيوم وأتوب إليه

هناك حكمة تقول "أذهب خلف حلمك مع رغبة جادة وعزم وتصميم فإما أن تنجح و إما أن تتعلم وتكبر"

عندما تطلب تحقيق ما هو مستحيل تحصل على أفضل ما هو ممكن.

لا تحاول أن تجعل ملابسك أغلى شيء فيك حتى لا تجد نفسك يوماً أرخص مما ترتديه

الحياة هي مغامرة ذات مخاطر أو هي..............لا شيء على الإطلاق

بعضنا ينجح بذكائه..وبعضنا ينجح بغباء الآخرين

من الأمور الطريفة في الحياة أنك إذا لم ترض سوى بالأفضل فسوف تحصل عليه

اللهم اجعلني خيرا مما يظنون .. واغفر لي مالا يعلمون .. ولا تؤاخذني بما يقولون

لا تنسى دكر اللـــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــه

hit counter...

  • 740,212 this is the number of all visits

Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

Join 20 other subscribers