Hal Sano Kadib Qaraxii Hotel Shaamoow (Sawiro)

December 3, 2010 at 19:00 1 comment

3-dii Bishii December sanadkii 2009-kii ee laga soo gudbey qarax xoogan ayaa lala beegsaday Hotel Shaamoow oo ku yaalla magaalada Muqdisho xilli ay ka dhacaysay munaasabad qalinjebin ah iyadoo ay qalin jebinayeen arday dhamaysatay barashada Caafimaadka.

Masuuliyin ka tirsan Dawladda Federaalka,Xildhibaano,Dhaqaatiir,Arday,Suxufiyin,Waalidin iyo dad kale ayaa ka qaybgalay munaasabadaas oo si qurux badan loo soo qaban qaabiyey.

Wasiiradii ka qaybgashay xaflada oo ahaa 4-qof ayaa kala ahaa;

1.Wasiirka Caafimaadka Qamar Aadan Cali

2.Wasiirka Tacliinta Sare Proff:Ibraahim Xassan Cadow

3.Wasiirka Isboortiga Saleebaan Colaad Rooble

4.Wasiirka Waxbarashada Axmed Cabdullaahi Waayeel

Dadkii ka qaybgalay munaasabada ayaa ku sugnaa jawi farxadeed maadama ay ahayd markii u horeysay arday intaas la’eg ay ka qalin jebiyaan Caafimaadka isla markaana ay soo dhiganayeen mudo sanado ah.

Xafladda oo gaba gabo ku dhowayd ayaa hal mar waxaa dhacay qarax xoogan,qaraxaas oo murugo badan sababay isla markaana shacabka Soomaaliyeed aad uga naxeen.

Qaraxa oo la sheegay inuu geystay qof isi soo midaamiyey ayaa waxaa ku dhintey dad kor u dhaafaya 22-qof oo ay u badnaayeen Ardaydii qalin jebinaysay.

Hoolkii ay ka dhacaysay munaasabada ayaa isu bedeshay meel murugo badan iyadoo markii hore ay ahayd meel dadkii ku sugnaa dhamaantood ay aad u faraxsanaayeen.maalintaan waxaa ay ahayd maalin aad u xanuun badan oo shacabka Soomaaliyeed meel weliba ay joogeen ka xanuunsadeen.

Gawaarida gurmadka deg deg ah ayaa soo gaarey Hotelka iyo ciidamo badan oo ka tirsan Dawladda Federaalka,waxaana ay durba bilaabeen qaadista dadka dhaawaca soo gaarey oo ay u badnaayeen dad qaba dhaawacyo culus.

Dadkii ku dhintey goobta waxaa ku jirey Saddex Wasiir oo ay kala ahaayeen Wasiirka Caafimaadka Qamar,Wasiirka Tacliinta Proff:Ibraahim Xassan Cadow iyo Wasiirka Waxbarashada Mr.Waayeel,waxaana dhanka kale dhaawac culus gaartay Wasiirka Isboortiga Saleebaan Colaad Rooble.

Wariyaal ku sugnaa goobta oo u tegay in ay soo tebiyaan munaasabada ayaa ku geeriyooday qaraxa,waxaana kamid ahaa Weriye Maxamed Amiin Aadan Cabdulle oo ka tirsanaa Idaacada Shabelle iyo Xassan Zubayr oo ka tirsanaa Telefishinka Al-Carabiya.

Inta badan dadkii la dhaawacay ayaa loo qaaday magaalada Nairobi kadib markii dhaawacooda Isbitaalada Muqdisho wax looga qaban waayey.Qaarkood dhaawaca waa kasoo kabsadeen halka kuwa kale ay ilaa iyo hadda la tacaalayaan.

Wasiirka Isboortiga Marxuum Saleebaan ayaa markii dambe markii loo qaaday dalka Sacuudiga ugu geeriyooday dhaawiciisa.

Dawladda Federaalka,maamulada ka jira dalka,Bulshada Soomaaliyeed,Beesha Caalamka iyo dhamaan ardayda Soomaaliyeed ayaa si kulul u cambaareyey qaraxaan oo ay ku tilmaameen mid naxariis daro ah laguna xasuuqay dad aan faraha kula jirin Siyaasada Soomaaliya.

Warar iskhilaafsan ayaa kasoo baxay qofkii qaraxa geystay iyadoo lasoo bandhigay Sawirkiisa,waxaana dadka qaarkood ay sheegeen inuu markii hore ka yimid dalka Denmark.

Xoogaga mucaaradka ee ka dagaalama Soomaaliya oo iyagu lagu eedeyey in ay ku lug lahaayeen qaraxaan ayaa iska fogeeyey in ay ka dambeyeen qaraxa.

Si kastaba maanta oo ay kasoo wareegtay hal sano xiligi uu qaraxaas dhacay ayaa lagu wadaa magaalada Muqdisho in ay ka dhacaan munaasabado lagu baroor diiqayo dadkii ku dhintey qaraxaas,waxaana ay noqotay maalin taariikhda u gashey Soomaaliya oo lasoo xasuusan doono.

Daawo Sawirada


Go top Page

Source: +horseed media


to share Subscribe Now


 LATEST NEWS


fadlan Ka dhiibo fikirkaaga!
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga (Leave a Comment). thanks!

Entry filed under: News Archives.

Baarlamaanka Oo Ansixiyey Xukuumada Raysalwasaare Farmaajo iyo Golaha Xukuumadda oo Isla Caawa la Dhaariyay Gobolka Banaadir oo ku guulaystay tartanka cayaaraha Gobolada Dalka Somalia 2010.(sawiro)

1 Comment Add your own

  • 1. injured in car accident  |  July 29, 2014 at 19:22

    hi!,I like your writing so much! share we be in contact more approximately your article on AOL?

    I require an expert in this space to resolve my problem.
    May be that’s you! Taking a look ahead to look
    you.

Leave a comment

Trackback this post  |  Subscribe to the comments via RSS Feed


Pages

******************








please sing my Guest Book

Kaydka wararka & Qoraalada Selcect Month

Picture of the Day!

Somalia

Long live Somalia

News Articles

Sawiro

*************

I Love Somalia



Sawiro Magaalada Qardho 2007 KA hor



Sawiro Qaaliya Daawo Quruxda Magaalada Qardho in 2009

Videos & Channels

Music

FEATURED STORIES.

free counters





Taariikhda Somalia BBC


  ما أقل ما نفكر فيما نملك، وما أكثر ما نفكر فيما لا نملك

استغفر الله العظيم الذي لا إله إلا هو الحي القيوم وأتوب إليه

هناك حكمة تقول "أذهب خلف حلمك مع رغبة جادة وعزم وتصميم فإما أن تنجح و إما أن تتعلم وتكبر"

عندما تطلب تحقيق ما هو مستحيل تحصل على أفضل ما هو ممكن.

لا تحاول أن تجعل ملابسك أغلى شيء فيك حتى لا تجد نفسك يوماً أرخص مما ترتديه

الحياة هي مغامرة ذات مخاطر أو هي..............لا شيء على الإطلاق

بعضنا ينجح بذكائه..وبعضنا ينجح بغباء الآخرين

من الأمور الطريفة في الحياة أنك إذا لم ترض سوى بالأفضل فسوف تحصل عليه

اللهم اجعلني خيرا مما يظنون .. واغفر لي مالا يعلمون .. ولا تؤاخذني بما يقولون

لا تنسى دكر اللـــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــه

hit counter...

  • 740,395 this is the number of all visits

Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

Join 20 other subscribers